Wasaaradda Gaashaandhiga Xfs oo Kahadashay Jabka Argagixisada Lagu Gaarsiiyay Degaanka Ceel-Hareeri.

0
Friday November 04, 2022 - 18:46:03 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Gaashaandhiga Xfs oo Kahadashay Jabka Argagixisada Lagu Gaarsiiyay Degaanka Ceel-Hareeri.

    Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga C/Laahi cali Caanood ayaa xaqiijiyay In dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe lagu dilay in ka badan 100 ruux oo kamid ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga C/Laahi cali Caanood ayaa xaqiijiyay In dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe lagu dilay in ka badan 100 ruux oo kamid ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.

Afhayeenka oo maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaaladii labadii cisho ee u dambeysay ka dhacay deegaanada Xawaala Xuseen ,Ceel Hareeri iyo Garas Magan lagu dilay boqol maleeshiyaad ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga C/Laahi cali Caanood ,ayaa sidoo kale caddeeyay in ciidanka dowladda ee ku sugan Deegaanka Masaajid Cali gaduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe ay aroornimadii saaka gubeen gaari Layla calaawi ah oo kooxda khawaarijta Al-sh baab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo,iyagoo doonayaya in ay la beegsadaan mid ka mid ah fadhiisimaha Ciidanka ee Degaankaas.

Howlgalkaasi oo ay ka qeybgaleen Ciidanka dowladda iyo Ciidanka Degaanka ayaa warku intaa ku darayaa in ay barbar socdeen duqeeyn dhanka Cirka ah oo lala beegsaday kooxaha nabad-diidka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip