
Ciidanka Xds iyo dadka degaanka ayaa oo argagixisada kala wareegay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Degaananda maleeshiyaadka argagixisada maanta laga saaray ayaa kala ah Far-barako, Jameeco iyo Damaleey, waxayna ciidamadda ku sii jeedaan degaano kale oo argagixisadu ka carartay
Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo dagaalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamadda argagixisadu ka saareen degaanadaas,islamarkaana ku sii wajahan yihiin degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha oo nabad-diidka bulshada ku baadaan.
Sidoo kale, Xildhibaanka waxaa howlgalka ku wehelinaya guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Warsheekh Hiraab Maxamuud Maxamed (Jaakooy),Axmed Nuur Adeerow, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Hiliwaa, Maxamed Deeqow Geedoow guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Daarusaalama iyo Saraakiil kale.
Ciidanka Xds iyo dadka degaanka ayaa oo argagixisada kala wareegay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ayaa maanta si buuxda kooxd Argagixisada kala wareegay degaanno hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe, ka dib howlgalo kooxda lagu afjaraayo oo ay qaadeen.