Duullaanka ka curtay Gobolada dalka oo Khilaaf adag dhaxalsiiyay Hoggaanka sare Khawaarijta Al-Shabaab.

0
Saturday September 24, 2022 - 21:49:51 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duullaanka ka curtay Gobolada dalka oo Khilaaf adag dhaxalsiiyay Hoggaanka sare Khawaarijta Al-Shabaab.

    Khilaaf ka dhashay duullaanka ka socda Gobolada dalka ayaa ka dhex curtay Hoggaanka saree e Khawaariijta Al-Shabaab, kadib markii leysku qabtay hanaanka loo wajahaayo duullaanka ka imaanaya dhanka Dowlada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf ka dhashay duullaanka ka socda Gobolada dalka ayaa ka dhex curtay Hoggaanka saree e Khawaariijta Al-Shabaab, kadib markii leysku qabtay hanaanka loo wajahaayo duullaanka ka imaanaya dhanka Dowlada.

Khilaafka oo hakad galiyay dhaqdhaqaaqyada khawaarijta ee xooliga ku socday ayaa ah mid u dhexeeya HoggaamiyahaKhawaarijta Abuu Cubeyda iyo ku-xigeenkiisa Mahad Karataay, kaasoo laba garab u kala jabiyay argagixisada.

 

Khilaafka labada Horjooge ayaa xoogeystay, kadib markii uu fashil kusoo idlaaday Kulan ka qabsoomay Degmada Galhareerioo dhacda dhanka koonfur galbeed ee Gobolka Galgaduud kaasoo socday 21 ilaa 22 -09-2022.

 

Horjoogaha Khawaarijta Abuu Cubeyda ayaa ku gacanseeray inuu Ku-Xigeenkiisa Mahad Karataay ku qanciyo in dhammaan Argagixisada ay ka guurto Gobolada dalka, islamarkaana u guurto dhanka Kenya.

 

Illo-wareedyadeena ku dhex nool Khawaarijta ayaa soo warinaaya in Abuu Cubeyda oo baqdin ka qabo inuu sii xoogeysto dagaalka ka dhanka ah kooxdiisa, ayaa sababta ka guurista Gobolada dalka ku micneeyay in dhabarjab xoogan la gaarsiiyay maleeshiyaadkooda, taasoo hoos u dhigtay hanka kooxda khawaarijta.

 

Sidoo kale, Mahad Karataayoo isagu doonaya inuu booska kala baxo Abuu Cubeyda ayaa dhankiisa ku adkeystay inuu sii socon doono dagaalka kadhanka Dowlada, waxa uuna shirka ka dhexqiray in dagaalka loogu awood sheegtay kooxda.

 

Niyad-jabka ku dhacay Horjoogaha Khawaarijta Abuu Cubeyda ayaa soo degdegay kadib markii uu helay macluumaad muujinaaya in ciidamada Qaranka ay nolol ku qabteen 92 Maleeshiyaad, Halka 78 Xubnood iyo Hubkooda ay isku dhiibeen sooma-jeestayaasha Qaranka ee dhaqdhaqaaqooda lagu nastay.

 

Khilaafka iyo Burburka ku socda Al-Shabaab, ayaa imaanaya xili ciidamada Qaranka iyo Dadka shacabka oo isgarabsanaya ay dib u xoreeyen inkabadan 28 Deegaan oo inta badan laga soo abaabuli jiray weerarada ay argagixisada ku gumaadi jireen shacabka.

 

Warbixintaan waxaan ka helnay Hayadda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Nisa.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip