Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Galguduud ku dilay ku dhawaad 10 Dhagarqabe.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee gobolka Galguduud, halkaasi oo ay maleeshiyaadka aragagixisada Al-shabaab gabaad ka dhiganayeen.
Howlagalka ayey Ciidanka XDS waxay Nabadiidka uga dileen ku dhawaad 10 dhagar-qabe, iyadoona la burburiyey meelihii ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay Taliyaha Ciidanka XDS Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka ka war helaan in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ku dhuumaaleeysanayaan maleeshiyaadka nabadiidka sidaas darteedna weerar ku qaadeen iyadoona looga dilay 10 dhagar qabe oo ka tirsan kooxda argagixisada.

0 