Ciidanka xoogga oo howl gallo ka dhacay Galguduud ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab
Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3-aad ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.
Howlgankaan ayaa lagu qaarajiyey 10 ka tirsan argagixisada Al-shabab iyadoo dhammaan la bur buriyey meelihii gabaadka u ahaa nabadiidka ee degaanada Sino dhaqo , Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin koox Argagaxisa ay ku dhibaanteyn jireen Shacabka Soomaliyeed.
Taliyaha guutada 17aa ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabsule Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay guulo waa weyn ka gareen howlgalka,iyadoona ciidanka Xoogga wali howlgalo ka wada gobolada Mudug iyo Hiiraan.