MUDANE ABSHIR MAXAMED AXMED (BUKHAARI) OO LA WAREEGAY XILKA WASIIRU-DOWLAHA MADAXTOOYADA QARANKA

0
Wednesday August 10, 2022 - 23:01:13 in Wararka by Muqtaar Yare Caadleey
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUDANE ABSHIR MAXAMED AXMED (BUKHAARI) OO LA WAREEGAY XILKA WASIIRU-DOWLAHA MADAXTOOYADA QARANKA

    Muqdisho, Ogoosto 10, 2022; Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif, munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Ogoosto 10, 2022; Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif, munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya.
Wasiir Abshir Bukhaari ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Wasiir Xasan Khaliif shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayey xilkaas.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa ka codsaday Agaasinka, howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay'adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay aqoonta iyo khibradda Wasiir Abshir Bukhaari uu u leeyahay hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.


Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xilka u kala wareejiyey Labada Wasiir ayaa u rajeeyey Wasiir Abshir Maxamed Axmed in Alle uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isagoo soo bandhigay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
DHAMMAAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip