
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday haweeney ka tirsan kooxda Argagixisada Al-shabaab
Deeqo Maxamed Xuseen ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda sheegtay in nabadiidka Al-Shabaab kaga biiray Ceelasha Biyaha Qiyaastii laba sana ka hor, waana 28-jir ku dhalatay degaanka Camaara oo katirsan Gobolka Mudug.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in Deeqo la qabtay iyada oo ku guda jirtay Warbixin ka dirista Xaaladda Guriga Askari lau dilay Kaaraan, kadibna Baaris ay sameeyeen Boliiska ayaa laga soo helay Gurigeeda Bam Gacmeed iyo Bistoolad 7-xabadood wadata.
" Waxaa maleeshiyada Al-Shabaab iney ku qalqaaliyay inay ku biiirto Deeqo nin saaxiib la’ah Odaygeedii hore oo isna Alshabaab ka tirsan laguna magacaabo Cabdullaahi Xasan Yuusuf, kaas oo ay kala tageen sanadkii 2018-kii, sida ay sheegtay wmaxkamaddu.
Sidoo kale Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Deeqo Maxamed Xuseen ay kooxda Nabadiidka Al-Shabaab si gaar ah uga shaqaynaysay kaydinta Hubka iyo Hubinta howlgallada Al-Shabaab.
Uu dambeyn Maxkamadda Ciidamada qalaba sida ayaa maanta ku xukuntay 15-sano oo Xabsi Ciidan ah Deeqo Maxamed Xuseen.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday haweeney ka tirsan kooxda Argagixisada Al-shabaab
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay "Faadumo" taas oo laga soo xeray Kaaraan February billowgeedii Sanadkan.