Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab
Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 7aad Guutada 16-aad ayaa howlallo ka dhan ah Nabadiidka Aragagixisada ah ee Al-Shabaab ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga fuliyay degaanka madaxgise ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha Ururka 7aad Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska DANAB laba Xidigle Siciid Muuse Hassan (Siciid Khabiib) ayaa sheegay in howlalka lagu qabtay Saddex xubnood oo katirsan nabadiidka oo ku sugnaa degaanka madaxgise ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo furteen laba qoray oo nooca Ak47 oo isticmaalayeen Al-Shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay laamaha Amniga kale ee dalka u gudbinayaan.
Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa inta badan howlgallo gaar ah ka sameeya degaannada iyo degmooyinka ku yaalla gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan degaannad ay Nabadiidku ku dhuumaaleystaan.