
SOOMAALIYA OO DADAAL UGU JIRTA KU BIIRISTA DALALKA KU MIDEYSAN DALLADDA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.
Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.
Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.
Kamid noqoshada dalladdan ee dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed uga dhigan qodobbada soo socda:
-Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan.
-Maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
-Badeecadda ay u iib-geeyaan dalalkaas oo aan cashuur kale laga rabin.
- Isu socodka bulshada ku mideysan EAC iyagoo aan u baahneyn dal-ku-gal iyo helitaanka Baasaboorka Bulshada Geeska Afrika.
-Xuquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer Gobol ah.
SOOMAALIYA OO DADAAL UGU JIRTA KU BIIRISTA DALALKA KU MIDEYSAN DALLADDA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika