Soomaaliya oo Midowga Africa Ka Dalbatay in Laga Qaado Xayiraadda ka saaran Hubka

0
Saturday July 16, 2022 - 16:21:47 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo Midowga Africa Ka Dalbatay in Laga Qaado Xayiraadda ka saaran Hubka

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb gashay shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan Golaha Fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb gashay shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan Golaha Fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa shirkan kala qayb galay danjiraha Dawladda Soomaaliya u jooga dalka Zambia Amb. Xaawo Xasan Maxamed, Uqaybsanaha Safaaraadda JFS Addis Ababa Ethiopia ee Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas Faarax iyo la taliyaha koowaad ee Safaaradda JFS ee Zambia mudane Yaasiin Cabdi Seed.

 

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo taabanaysa, isagoo sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku faraxsan tahay kasoo qayb galkeeda shirkan ayna Dawladda Zambia uga mahadcelinayso martigelinta kulankan, sidoo kale wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay horumaro badan ka samaysay dhinacyada Dawladnimada, amniga iyo dhaqaalaha isla markaana ay sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Dawladaha Africa iyo caalamka intiisa kale.

 

Sidoo kale Wasiirku waxa uu dalalka Africa ee shirka ka qayb galay uu la wadaagay meesha ay marayso xaalada kala guurka ee ciidama ATMIS iyo meel marinta qorshaha socda ee qeexaya in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay la wareegaan amniga guud ee Soomaaliya, kaasi oo ah qorshe ay isla garteen Somalia, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Africa AUPSC, iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay UNSC kaas o dhaqan galintiisu bilaabatay 01 April, 2022 isagoo ugu baaqay dalalka Africa inay Soomaaliya ka caawiyaan qorshaha ay ku doonayso inay kula wareegto amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Golaha Fulinta ee Midowga Africa ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka taas oo caqabad ku noqoneysa meel marinta la wareegista amniga ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

 

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuu intaa ku daray in Dawladda Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab, ayna muhiim tahay in si weyn looga caawiyo Soomaaliya la dagaalanka iyo cirib tirka argagixisada.

 

Wasiir Balal iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaya shirkan ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaatay madaxda midowga Africa, safiirka Jamhuuriyadda Djibouti ee Ethiopia, xoghayaha guud ee East African Community iyo qaar kamid ah Wasiirada arrimaha dibadda ee Dawladaha Ethiopia, Gambia, Tanzania, Ghana iyo Algeria, iyagoo ka wada hadlay kobcinta xiriirka Diplomaasiyadeed ee ka dhexaaya Soomaaliya iyo dalalkooda.

Dhamaan dalalkan ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ballan qaadeen inay si buuxda u garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka caawi doonaan arrimaha ammaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip