MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH OO KULAN XOG-WARRAN AH LA QAATAY GUDDIGA WAALIDKA CIIDAMADA ERETERIYA TABABBARKA UGU MAQAN

0
Wednesday July 13, 2022 - 23:15:46 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH OO KULAN XOG-WARRAN AH LA QAATAY GUDDIGA WAALIDKA CIIDAMADA ERETERIYA TABABBARKA UGU MAQAN

    Muqdisho, Luulyo 13, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Luulyo 13, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.
Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.
"Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan."
Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.
DHAMMAAD



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip