Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqasho ku tagay Dalka Rwanda

0
Monday July 11, 2022 - 23:29:04 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqasho ku tagay Dalka Rwanda

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo safar shaqo ku jooga dalka Rwanda, ayaa waxa halkaas soo dhoweyn diirran ugu sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Rwanda Dan Munyuza, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo safar shaqo ku jooga dalka Rwanda, ayaa waxa halkaas soo dhoweyn diirran ugu sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Rwanda Dan Munyuza, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Booliska Labada Dal.

Labada Taliye ayaa shirar ay yeelanayaan waxa ay si weyn ugu lafaguridoonaan horumarinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Booliska labada dal ee Soomaaliya iyo Rwanda, iyada oo la iska kaashan doono dhinacyada isdhaafsiga xogaha, la dagaallanka argagixisada, tabaha xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada iyo kor-u-qaadidda tababarrada ay dowladda Rwanda siiso Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna wada saxiixan doonaan Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan arrimahaas.



Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Rwanda, waxa uu tababar u soo xiri doonaa saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tababar heerkiisu sarreeyo ku qaatay dalka Rwanda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip