Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go'aanka golaha ammaanka ee QM

0
Friday April 01, 2022 - 12:21:31 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go'aanka golaha ammaanka ee QM

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.


Waajibka cusub ee ATMIS waxa uu ka tarjumi doonaa khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab iyo in la abuuro ciidamo badan oo guurguura si ay u taageeraan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya howlgallada.


Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip