Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

0
Thursday March 31, 2022 - 16:54:04 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

    Ciidanka Ururka 35 Aad guutada 7aad Qeybta 60aad ee xoogga dalka ayaa howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Ururka 35 Aad guutada 7aad Qeybta 60aad ee xoogga dalka ayaa howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka Koowaad ayaa Ciidamadu waxaa ay ka fuliyeen tuulooyinka kala ah, keysaney, Ceel Mashiidiyo, Afar Buulo Murusade oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 35aad ee Ciidanka xoogga dalka Dhamme Axmed Maxamuud Cali ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid lagu baadi goobayay koox ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab, oo halkaasi lagu tuhunsanaa in ay ku dhuumaleysanayaan.

Sidoo kale Ciidanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo Ammaanka ka sameeyey Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ururka 64 aad ee Ciidanka xoogga daka Cali Cabdullaahi Halac ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay rag looga Shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna baaritaano kuhayaan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalada ugu badan ka wada gobalka shabeellaha Hoose, waxaana Ciidanku khaarajiyeen intii ay socdeen howlgaladu maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Nabadiidka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip