
Maxuu ku sabsanyahay Tababarka uu Keenya uga qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga XFS?
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Safar Shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya Xafladda Xeritaanka Tababarka ay ka qeyb-galayaan 10 Wasaaradood oo ka kala socday Toban Wadan oo ku mideysan Ururka EASF( Eastern Africa Standby force) ,kuwaasi oo ay xubin ka tahay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo uu Wehliyo Danjiraha DFS Ee Kenya Amb.Maxamed Nuur Tarsan ayaa kormeeray goobaha ay ka socdeen Tababaradakala duwan , oo qaar ka mid ah Wadamada ka tirsan ( EASF) ugu Socda Magaalada Nairobi Ee Caasimadda Dalka Kenya ,Waxaana ka mid ah Xubnaha Tababarada ka qeyb-galaya Saraakiil ka tirsan CXDS , Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed iyo Howlwadeenno ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ku dhiira-galiyay Xubnaha Tababarkan ugu qeyb-galaya DFS in wixii ay barteen qarankooda ay ugu faa'iideeyaan isagoo Xusay in Soomaaliya kaalin weyn ay ku leheed Dhismaha EASF .
Maxuu ku sabsanyahay Tababarka uu Keenya uga qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga XFS?
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Safar Shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya Xafladda Xeritaanka Tababarka ay ka qeyb-galayaan 10 Wasaaradood oo ka kala socday Toban Wadan oo ku mideysan Ururka