Ciidanka kumaandooska DANAB oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay konfurta gobalka Mudug

0
Thursday March 31, 2022 - 16:47:39 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka kumaandooska DANAB oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay konfurta gobalka Mudug

    Ciidamada Daraawiishta Galmudug, iyo Ciidanka DANAB ayaa maanta Howlgal qorshaysan ka fuliyay Deegaano badan oo ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug ,kuwaasi looga shakiyay in ay ku dhuumaaleysanayaan Xubno ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Daraawiishta Galmudug, iyo Ciidanka DANAB ayaa maanta Howlgal qorshaysan ka fuliyay Deegaano badan oo ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug ,kuwaasi looga shakiyay in ay ku dhuumaaleysanayaan Xubno ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Howlgalkaan oo ahaa mid lagu baacsanayay Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa Howlgalku ka dhacay Deegaanada Gurooleey ,Dhaghaye, Cimaamad, Laas-gacameey iyo degaano kale oo ka tirsan gobalka Galmudug.


Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyo Danab Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo saareen Miinooyin Maleeshiyaadku ku aaseen wadooyinka isku xira magaalooyinka gobalka , sidoo kalena gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad lagu tuhmaayo insy gacan saar la leeyihiin Argagixisada.


Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Argagixisada ilaa guud ahaan dalka la sifeynayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip