Horjooge ka tirsnaa Nabadiidka Al-shabaab oo isku soo dhiibay CXDS
Horjooge Cali Cabdullahi Cali oo magaciisa Afgarashadu yahay Khaalid ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60aad ,kadib markii uu adkeysan waayay dhagarta kooxdu ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
Taliska Qeybta 60aad ee CXDS ayaana Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey horjooge Cali Cabdullahi Cali Oo Magaciisa Afgarashada uu yahay Khaalid oo ka tirsanaa Kooxda Nabadiidka Alshabab isisoo dhiibistiisa kadib.
Cali Wuxuu kooxda Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Jabhada Isagoona kasoo shaqeeyey Gobolada Baay Iyo Shabeellaha Dhexe, Wuxuna Sheegey in sababta ku kaliftey in Ciidanka Dowladda isku soo dhiibo ay tahay Dhibaatada Kooxda Nabadiidka Alshabab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.