
Genaraal Xijaar oo kulan looga hadlayay amniga dalka la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliiska
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.
Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay argagixisada arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah, sidoo kale na la labo jibbaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Genaraal Xijaar oo kulan looga hadlayay amniga dalka la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliiska
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud ee dalk