Qaramada Midoobay oo ka walaacsan gantaalada loo adeegsado tareenada ee W/Kuuriya

0
Friday September 17, 2021 - 15:06:35 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo ka walaacsan gantaalada loo adeegsado tareenada ee W/Kuuriya

    Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isugu tagay kulan degdeg ah oo ay albaabadu u xirnaayeen,isla markaana looga hadlaayey tijaabadii ugu dambeysay ee K/Woqooyi ay ku sameysay gantaalada ballistic -ga ah oo loo arko halis weyn s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isugu tagay kulan degdeg ah oo ay albaabadu u xirnaayeen,isla markaana looga hadlaayey tijaabadii ugu dambeysay ee K/Woqooyi ay ku sameysay gantaalada ballistic -ga ah oo loo arko halis weyn sida uu sheegay safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Nicolas de Riviere.

Ka qeybgalayaasha kulankaasi ayaa isku afgartay in la cambaareeyo tijaabooyinkasi oo Kuuriyada Waqooyi ay ku tilmaantay in la bilaabay nidaamka gantaalaha ee loo adeegsado tareenada.

"Tani waxay khatar weyn ku tahay nabadda iyo amniga, waana xadgudub cad oo ka dhan ah go’aannada Golaha,” ayuu yiri” safiirka Faransiiska .

Gantaaladii ugu dambeeyay ee ay ridday Kuuriyada Waqooyi ayaa ah tijaabo cusub oo loo adeegsado ama ay qaadaan tareenada,si looga hortagto awood kasta oo khatar ku ah dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee W/ Kuuriyada.

Gantaaladaasi ay maalinimadii Arbacada ay tijaabiyeen W/Kuuriya ayaa lagu waramay in ay jareen masaafo dhan 8-boqol oo Km, ka hor inta aysan ku dhicin bartilmaameedka badweynta bari ee Kuuriyada Waqooyi .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip