Horjooge ka tirsanaa Nabdiidka Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka.

0
Thursday September 09, 2021 - 11:58:02 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge ka tirsanaa Nabdiidka Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka.

    Horjoogahan ayaa kooxda Nabadiidka u qaashana uruurinta Sakawaatka ee Deeganka Dadaarow ee Gobolka Baay,waxaana uu isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka ,gaar ahaan qeybta 60aad kadib howlgaladii is daba jooga ahaa ee Ciidanku ay halkaasi ka samee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horjoogahan ayaa kooxda Nabadiidka u qaashana uruurinta Sakawaatka ee Deeganka Dadaarow ee Gobolka Baay,waxaana uu isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka ,gaar ahaan qeybta 60aad kadib howlgaladii is daba jooga ahaa ee Ciidanku ay halkaasi ka sameeyeen.
Maxamed Nuur Maxamed Xuseen oo Magaciisa Afgarashada Nabadiidka Alshabab uu yahay  (Guudow) ,islamarkaana  Mudo 7-sano ah Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Uruurista Sakawaat Beenaata ah, ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad ee fadhigoodi uu Yahay Deeganka Deynuuney ee gobolka Baay.

Guudow ayaa Sheegey sababta kooxda Nabadiidka Alshabab uga soo Cararey  ay tahay  Cadaalada darida ,Dhibaatada  iyo Boobka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed .


Maxamed Nuur Maxamed Xuseen (Guudow) ayaa tilmaamay in khalaadka ay galaan ,ay yihiin mar walba kuwa iska indha tiran ,islamarkaana cidi la wadaagi karin dhibaatada ay geysanayaan hadii aad isku daydana aad naftaada ku weyn karto.

Guudow oo kooxda Nabadiidka mudo dheer u qaabilsanaa ,waxa ay kooxdu ugu yeerto sakawaadka beenta ah ,ayaa sheegay in dadka ugu badan ee ay sakawaadka ka fara maroojiyaan ay yihiin ,shacab lagu beeray Cabsi iyo argagax , cidii diidana ay diidayaan.

Saaxiibadiis ayuu ugu baaqay in ay isaga soo baxaan kooxda caadeysatay dhaca hanta iyo daadinta dhiiga shacabka,in dowladdoodu ay fursad u siisay iney isaga soo baxaan .

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamednur Mad dheere,  oo hogaaminayo  Howlgalda Lagu Bacsaneyo Nabadiidka Alshabab ,ka wada deegaanka Deynuunay ee gobalka Bay ,ay sii wadi doonaan ilaa laga xureynayo gobalka iyo guud ahaan dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip