Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

0
Friday September 03, 2021 - 19:42:27 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS ahna Senatorka la doortay Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ,ayaa kula kulmay Dhiggiisa Dalkaasi Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Turkiga ,Waxaana si wadajir ah ay salaan ugu qaateen Cutubyo ka tir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ahna Senatorka la doortay Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ,ayaa kula kulmay Dhiggiisa Dalkaasi Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Turkiga ,Waxaana si wadajir ah ay salaan ugu qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Turkiga.
intaas ka dib  , Wasiir Xasan Xuseen Xaaji kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga ,iyagoo ka wada-hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta Taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee Dowladda Turkiga ay la garab taagantahay  Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada Hagar la'aaneed ee dowladda Turkiga ay la garabtaagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ,Waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan CXDS ,Sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip