
Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukun ku ridday Nin lagu soo eedeeyay Kufsi iyo afduub
Cabdixakiin Maxamed Xirsi, xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda gobalka Galmudug ayaa fadhiyada kala dambeeyay ee maxkamada kusoo bandhigey qiraal laga qoray eedeysanaha iyo cadaymo kale oo muujinayay sida falku u dhacay oo ay ka mid yihiin warqada dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirada goobta oo dhamaantood xeer ilaalintu dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.
Dhanka kale Axmed Salaad Kullane, Garsooraha Maxkamada gobolka oo dhageystay darafka kale ee dacwada ayaa ka codsaday Maxkamadda iyadoo la eegayo qiraalka eedeysanaha in la qafiifiso ciqaabta uu wajahi karo, waxuuna xiritaankii fadhiga Maxkamadda kaga dhawaaqay xukun dhan 5-sano xabsi ah iyo bixinta labo halaad oo Maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga Gabadha.
Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukun ku ridday Nin lagu soo eedeeyay Kufsi iyo afduub
maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa dhageysatay dacwad ciqaabeed loo heysto Maxamed Cabdi dhoore, oo ay Maxkamaddu gobalka Galmudug kusoo eedeeysay kufsi iyo Af-duub uu ka geeystay Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud 19-8-2021, falkaasi uu kula k