Taariikh Nololeedkii Alaha U Naxariistee Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)

0
Sunday April 18, 2021 - 23:34:06 in Maqaallo by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Alaha U Naxariistee Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)

    Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ka tallaabay buundada jahliga cilmigana heer sare ka ka gaaray, wuxuu dhashay Sanadkii 1949-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ka tallaabay buundada jahliga cilmigana heer sare ka ka gaaray, wuxuu dhashay Sanadkii 1949-kii.
Yaraantiisii wuxuu ahaa arday aad ugu wanaagsan xifdinta Quraanka wuxuu waxbarashadiisii ku qaatay Magaalada Mudqdisho Dugsiga Sare wuxuu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Jamal Cabdinaasir, Sanadkii 1970-kii wuxuu ka mid ahaa ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka wuxuuna deeq waxbarasho oo dhameystiran loogu diray Dalka Faransiiska.
Intii uu ku guda jiray waxbarashadiisii dalka Faransiiska, Prof Gandi wuxuu sanad walba ku soo laaban jiray Soomaaliya si uu wax u barto una taageero isagoo bare ka ah waaxyaha Taariikhda iyo Geology.
Bishii Oktoobar Sanadkii 1972-kii wuxuu waxbarasho u aaday dalka faransiiska gaar ahaan Jaamacadda Besançon, wuxuu ku takhasusay cilmiga Geology-ga wuxuuna ka qalin jabiyay B.A. Bishii Sebtember 1976-kii.
Sanadkii 1979-kii wuxuu qaatay shahaadada Master-ka oo uu ku qaatay Cilmiga Geology-ga.
Bishii Juun Sanadkii 1983-kii wuxuu qaatay shahaadad P.H.D. cilmiga Geology-ga Qalin jabinta kadib, wuxuu muddo dheer Bare ka ahaa qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu tayada badan ee Dalka Faransiiska wuxuu Visiting Professor ka soo noqday Jaamacado kale oo dunida dacaladeeda ku yaalla.
Sidoo kale wuxuu Cilmibaaris u tagay dalal dunida ka mid ah isagoo aqoonwadaagyo caalami ah ka jeediyey "Academic Papers" wuxuu darsaa oo wax ka diyaariyaa Adabka Afrika, Prof Gandi waxaa la gudoonsiiyay Shahaadada Diblomada Caalamiga ee Baccalaureate, wuxuu kaloo qaatay Shahaadada Sare ee Cilmi-baarista (HDR) Jaamacadda Besançon, ee Dalka Franca, wuxuu lataliye sare ka noqoday barnaamijkii UNDP Somalia ee Hub ka dhigista, Dib udejinta, iyo Dib uheshiisiinta (DDR).
Sanadkii 1987-kii wuxuu ahaa la-taliyaha Matxafka Qaranka Soomaaliyeed ilaa iyo Sanadkii 1988-kii, isagoo isu xilsaaray inuu aqoonsado oo uu kala saaro qoraallada qadiimiga ah (gaar ahaan kuwa ay hayaan Mashaaikhda iyo hoggaamiyeyaasha qabaa'ilada si loo sameeyo buugaad ka hadleysa suugaanta iyo walxaha farshaxanka.
Sanadkii 1990-kii wuxuu marlabaad qaatay shahaadada labaad ee P.H.D. oo uu takhasus ku sameeyay (Taariikh iyo Ilbaxnimo Qadiimiga).
Sanadihii 1995-kii iyo 1998-kii , wuxuu hay’adda UNESCO ka ahaa Khabiir La-taliye halkaas oo uu ku qoray buugaag iyo maqaallo badan.
Sanadkii1992-kii waa uu ahaa xubin ka tirsan Machadka Sayniska iyo Farsamooyinka Dunida Hore (ISTA), CNRS, ESA.
Saxada siyaasadda Soomaaliya wuxuu ku soo biiray Sanadki 2000 Bilihii Maarso iyo Sebtember ee Sanadkii 2000 wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudiga Farsamada ee Shirkii Nabada ee lagu qabtay magaalada Carta ee Dalka Jabuuti.
Wixi Intaa ka dambeeyey wuxuu noqday hormuud miisaan weyn ku leh Bulshada Rayidka dhexdeeda, wuxuu u jiheystay dhanka siyaasadda isagoo guntiga u dhuuqsaday sidii qaran Soomaaliyeed markale dhidibada loogu aasi lahaa.
Sanadkii 2001-da ilaa iyo 2002-da wuxuu ahaa La-taliyaha UNOPS, Barnaamijka Badbaadinta Madaniga Soomaaliyeediyo la-taliyaha UNDP.
Sanadkii 2002-da wuxuu noqday Lataliyaha Barnaamijka Sare, ee SCPP, hay’adda UNDP iyo Maamulaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, NOVIB, Soomaaliya,.
Bishii Oktoobar 2002-da ilaa iyo Bishii Nofeembar ee Sanadkii 2004-ta wuxuu noqday wakiilka bulshada rayidka ee geedi socodka Nabada iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee shirkii lagu qabtay Magaalada El-Doret ee Dalka Kenya.
Sanadihii 2006-da ilaa iyo 2007-da wuxuu la-taliye u ahaa "Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn", iyo ururo kale oo caalami ah.
21-kii Febraayo, Sanadkii 2009-kii, waxaa loo magcaabay Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya wuxuu xilkaas hayay illaa 10-kii Noofambar, Sanadkii 2010-ka.
3-dii Abriil, Sanadkii 2011-kii, waxaa lagu dhawaaqay in la aasaaso Maamul Goboleedka (Azania State of Somalia) waxaa Madaxweyne looga dhigay Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) wuxuu hayay jagada Madaxweynaha Azania ilaa iyo 15-kii Bishii May Sanadkii 2013-kii, markaas oo Axmed Maxamed Islaam loo doortay xafiiska.
Bishii Luulyo Sanadkii 2014-kii, waxaa loo magcaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Canada, wuxuu noqday ergeygii ugu horreeyay ee muddo ka badan labaatan sano, madax ka noqon doono safaaradda dowladda Soomaaliya eek u taala Magaalada Ottawa, Ontario.
Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) wuxuu ahaa qoraa soo saaray 12 buug iyo in ka badan 50 maqaal oo uu uga hadlayay arimaha sayniska oo lagu daabacay wargeyso kala duwan waxaa kale oo uu tifaftiray saddex daraasadood oo heer caalami ah.
Inta uusan geeriyoon ka hor wuxuu shaaciyay inuu u tartami doono doorashada Madaxweynaha soo socota ee Sanadka 2021-ka ee Soomaaliya ka dhicidoonta wuxxu xubin muhiim ah ka ahaa Midowga Musharaxiinta .
Sidoo kale wuxuu ahaa taariikhyahan iyo cilmibaare lagu xusuusandoono doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay ururinta iyo dersida hidaha taariikhda Ummadda Soomaaliyeed,
Wuxuu ku geeriyooday Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 18/04/ 2021-ka, waxaan ilaah u ga baryeynaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo eheladii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
W/D Oo Soo Ururiyay Taariikhda Alaha U Naxariistee Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British) Fadlan Ilaali Xuquuqda Qoraaga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip