Degmada Qansax Dheere, ee Gobolka Baay ayaa waxaa qasaare xoogan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

0
Saturday February 27, 2021 - 22:20:42 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Degmada Qansax Dheere, ee Gobolka Baay ayaa waxaa qasaare xoogan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka Al-shabaab.

    Maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab ayaa waxeey isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan degmada qansax dheere ee gobolka baay waxaana halkaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab ayaa waxeey isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan degmada qansax dheere ee gobolka baay waxaana halkaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay al-shabaab.

9-maleeshiyaad ah ayaa laga dilay 12-kalana waa laga dhaawacay sidookale tiro maleeshiyaad dhaawac ah ayaa nolosha looga qabtay sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay gudoomiyaha amniga qansax dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi.

Gudoomiye maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay kawar qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka Amisom ee degmada kusugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfurgalbeed ay sii baacsadeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Dhinaca kale gudoomiye kuxigeenka degmada qansaxdheere ahna gudoomiyaha amniga iyo siyaasada degmadaasi Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa dhinaca kale sheegay in ay degmada qansax dheere iyo nawaaxiga degmadaasi ay kasameeyeen howlgal lagu baacsanayay kooxda argagixisada al-shabaab kaasi oo al-shabaab looga dilay sadax maleeshiyaad ah islamarkaasna looga soo qabtay mootooyin ay u isticmaali jireen dhibaatooyinka ay ugeeystaan shacabka degmadaasi.

Gudoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa ugu dambeeyn ugu baaqay maamulka koonfurgalbeed iyo doowlada federaalka soomaaliya inay gacan ka geeysteen taageerida ciidanka degmada kahowlgala iyo sidii looga adkaan lahaa maleeshiyaadka al-shabaab oo go’doon galiyay degmadaasi qansax dheere ee gobolka baay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip