Maxkamada Ciidamada qeybta 60-aad oo xukun ku riday Askari Boolis ah+Sawirro

0
Saturday January 23, 2021 - 17:06:52 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Ciidamada qeybta 60-aad oo xukun ku riday Askari Boolis ah+Sawirro

    Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun kuridey Cismaan ibraahim Cabdi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun kuridey Cismaan ibraahim Cabdi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Waxaana lagu soo eedeeyey inuu dhowaan qof shacab ah uu ku dilay gudaha suuqa weyn ee Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaasi oo manta ay u  fadhiistey  Maxkamadda dacwad ciqaabeedkiisa.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad Gaashaanle sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay in  danbiile Cismaan ibraahim Cabdi, lagu xakumay dil toogasho ah kadib markii ay ku cadaatay dilka uugeystay ee lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale Taliyaha qeybta Ciidamada   Booliska Gobolka Baay Gaashanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa  Digniin u direy Ciidamada qalabka sida gaar ahaan Ciidamada Booliska  ee ka howl gala deeganada kala duwan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay qorigooda ka adkaadaan, si aysan u waxyeleenin muwaadiniinta ay amaankooda mas’uulka ka yahiin.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip