Ra'iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha "SAWIRRO"

0
Saturday January 16, 2021 - 20:03:21 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha "SAWIRRO"

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha Wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha Wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawllaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

 

Xarumaha Warbaahinta Qaranka oo kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariirtawargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowlada iyo shacabka.

Maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Ciidamadda Qalbak Sida ayuu ku bogaadiyay sida ay ugu diyaarsanyihiin inay u adeegaan qarankooda wuxuu balan qaaday in waxkasta ay u baahanyihiin lala garab istaagidoono.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda Wasaardaha, waxuna faray in gacana loogu adeego shacabka, gacana doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip