Ciidanka xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen walxaha qarxa

0
Saturday January 16, 2021 - 15:52:15 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen walxaha qarxa

    Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed "Tareedisho" ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen guutada 3aad ururka 19aad ee ciidanka xoogga dalka lagu bur buriyay goobo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku diyaarinayee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed "Tareedisho" ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen guutada 3aad ururka 19aad ee ciidanka xoogga dalka lagu bur buriyay goobo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Jeneraal Maxamed Axmed Tareedishe oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa tilmaamay in howlgalka laga fuliyay degaanno hoostaga degmada Balcad, ee gobolka Shabeelaha dhexe halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

"Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen degaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay dhagarqabayaashu doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliye Tareedisho.

 

Taliyaha qeybta 27aadXoogga Dalka ayaa xusay in la joogteyn doono howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip