Taliyaha Ciidanka Oo Kormeeray Difaacyada iyo Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0
Thursday January 14, 2021 - 17:26:13 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Oo Kormeeray Difaacyada iyo Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

    Ujeedka kormeerka taliyaha ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ee difaacyada iyo xeryaha ciidanka xoogga ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ahaa sidii uu ugu kuurgalihaa xaalada guud iyo dhiirigalinta ciidanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedka kormeerka taliyaha ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ee difaacyada iyo xeryaha ciidanka xoogga ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ahaa sidii uu ugu kuurgalihaa xaalada guud iyo dhiirigalinta ciidanka

Ugu horeeyn taliyaha kormeerkiisa wuxuu kabilaawday degaanada sabiid iyo caanoole oo hoostaga degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose wuxuuna kormeeray difaacyada ciidanka ee halkaasi iyo xerada ciidanka xoogga dalka saraakiisha iyo askarta ayuu ku dhiirigaliyay sida ay shacabkooda uga diceen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

Taliyaha oo kormeerkiisa sii wata ayaa gaaray degaanka bariire ee gobolkaasi wuxuuna kormeeray dhamaan difaacyada iyo xerada ciidanka isagoona socod ku soo maray xaafadaha kala duwan ee degaankaasi bariire silamid ah ayuu u dhiirigaliyay geesiyaasha xoogga dalka ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dadkooda diintooda iyo dalkooda .

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo siiwato kormeerkiisa dhiirigalinta ah oo qaatay mudo isbuuc ah ayaa gaaray degmada awdheegle ugu horeeyn wuxuu kormeeray difaacyada ciidanka iyo xeryahooda wuxuuna socod kusoo maray guud ahaan degmada oo kasoo kabaneeysa dhibaatooyinkii ay u geeysteen

Ciidanka ayuu ku bogaadiyayhormarka baaxada leh ee degmada ka muuqanaya.

Jeneraal odawaa ayaa oo socdaalkiisa kormeerka sii wata ayaa garay degaanka janaale oo kamid ahayd goobihii ugu dambeeyay ee argagixisada laga saaray waxaana ay kasoo kabaneeysa dhibaatooyinkii gasoo gaaray xili ay xooga ku heysteen argagixisada

Taliyaha ayaa ciidanka ku amaanay sida ay shacabkooda naftooda ugu hurayaan cadawgana uga difaacayaan wuxuuna ciidankii uu lahadlay kuyiri adinak iyo argagixisada waxaad ku kala duwantihiin sida aad ugu tureeysaan shacabkiina taasi oo keentay inay idiinla shaqeeyaan.

Markii uu dhamaaday kormeerkii degaanada caramoowda wuxuu soo gaaray degmo xeebadka marka oo ah xarunta gobolka shabeelaha hoose oo uu kamuuqanayo dadaalkii ciidanka xoogga dalka ay ku bixiyeen heshiisiinta dadka degaanka iyadoona ay taasi ku muteeysteen inay kasbadaan quluubta shacabka magaaladaasi.

Shalanbood oo ay ciidankaku leeyihiin xero ayuu kormeeray isagoo uga sii gudbay degaanada ceel saliini iyo nambar kontan.

Taliyaha ciidan ka xoogga dalka oo uu kormeerkiisa qaatay mudo isbuuc aha ayaa kaga golahaa sidii uu u dhiirigalinlahaa geesiyaasha xoogga dalka ee u taagan inay dalka ko xoreeyaan maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip