Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Gedo Ku dilay Horjooge katirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

0
Tuesday January 12, 2021 - 17:01:59 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Gedo Ku dilay Horjooge katirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

    Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaan Ururka 49Aad Guutada 10Aad Qaybta 43Aad Xds Ee kusugan Magaalada Baardheere Gobalka Gedo ayaa Maanta Weerar ku qaaday Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab Oo Isku Uruursanayay Tuulooyin hoos taga Degmada Bardhere Kuwaasi o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaan Ururka 49Aad Guutada 10Aad Qaybta 43Aad Xds Ee kusugan Magaalada Baardheere Gobalka Gedo ayaa Maanta Weerar ku qaaday Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab Oo Isku Uruursanayay Tuulooyin hoos taga Degmada Bardhere Kuwaasi oo kaga beegan Dhinaca Wadada aada Degmada Saakoow.

Dagaal saacado kooban Socday kadib Ciidanka Xooga Dalka ayaa Gabi ahaanba Burburiyay fariisamihiiMaleeshiyada Argagixisada kulahaayeen tuulada kormari kuwaasi oo dhibaatooyin ba an ugeysanayay shacabka Kudhaqan Deegaanadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi ku Qaarijiyay Horjoogihii Maleeshiyaadka Al-shabaab u qaablisanaa Degmada Baardheere iyo Degaanada Hoosyimaado kaasi oo lagu MagacaaboSakariye Shiikh iyo 7 Maleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Qeybta 43-aad Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan lagu daba jiro firxadka Maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaasna looga daba tagi doono Dhulka Howdka ah ee ay ku dhuumaaleeysanayaan.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip