Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo Gobolka Shabeelaha hoose kasameeyay Howlgal Bur-burin ah.

0
Saturday January 09, 2021 - 21:22:30 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo Gobolka Shabeelaha hoose kasameeyay Howlgal Bur-burin ah.

    Howlgalkaani ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab gaar ahaan ururka 4-aad ay kasameeyeen degaanka tooratooroow ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ujeedkiisu ahaa bur-burinta goobo maleeshiyaadka al-shabaab ku lahaayeen degaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkaani ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab gaar ahaan ururka 4-aad ay kasameeyeen degaanka tooratooroow ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ujeedkiisu ahaa bur-burinta goobo maleeshiyaadka al-shabaab ku lahaayeen degaankaasi.

Meelaha ay ciidanka kumaandooska bur-buriyeen waxaa kamid ahaa maxkamad beenaad barti lacagaha baada ay ku qaadijireen iyo meel ay qaraxyada ku diyaarinjireen maleeshiyaadka al-shabaab.

Sidookale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay taarigooyinka baabuurta oo been abuur ah tilifoonada gacanta oo ay qaraxyada u adeegsanjireen buugaag ay u isticmaalijireen marinhaabin dhalinyarada ay qaldaan iyo hub iyo saanadkale oo ciidan sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare.

G/le Beeryare ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalada kumaandooska uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed uga bad baadin lahaayeen dhagarta maleeshiyaadka ragagixisada al-shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip