Taliyaha Ciidanka Dhulka Oo Kormeeray Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Degmada Beledxaawo Gobolka Gedo.

0
Thursday January 07, 2021 - 17:53:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Oo Kormeeray Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Degmada Beledxaawo Gobolka Gedo.

    Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo maalmihii ugu dambeeyay howlo shaqo ujoogay gobolka gedo ayaa manta gaaray degmada beled xaawo waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo maalmihii ugu dambeeyay howlo shaqo ujoogay gobolka gedo ayaa manta gaaray degmada beled xaawo waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo maamulka degmadaasi.

Taliyaha ayaa markii uu halkaasi gaaray kadib wuxuu kormeeray fariisimaha iyo xeryaha ciidanka ee ku yaalo beledxaawo.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlay ciidanka xoogga ee kusugan beledxaawo ayaa ku amaanay sida ay ugu taaganyihiin difaaca shacabkooda iyo dalkooda isagoona tilmaamay in ciidanka xoogga dalka waxa ay u dhaarteen ay tahay in shacabkooda ay ka difaacan cadaw kasta oo soo wajo.

Wuxuuna intaasi kudaray  ciidanka in looga baahanyahay in gobolka gedo meelaha ay argagixisada al-shabaab kaga harsanyihiin inay kasaaraan.

Ugu dambeeyn jeneraal biixi ayaa wuxuu kulamo laqaatay saraakiisha iyo maamulka gobolka gaar ahaan kuwo beledxaawo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip