Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay Horjogayaal Sare oo ka tirsan Nabadiidka

0
Monday November 16, 2020 - 21:56:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay Horjogayaal Sare oo ka tirsan Nabadiidka

    Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan ku bur buriyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga Gobolada Shabelloyinka iyo Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan ku bur buriyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga Gobolada Shabelloyinka iyo Hiiraan.

Howlgalka Ciidanka kumaandooska fuliyeen ayaa waxa ay kusoo qabteen Horjogayaal uu ka mid yahay Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Horjooge Xasan Yuusuf  Cali ,Horjoogihii Maktabka waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcade  Cali Cabdulle Jilacow, iyo Horjogihii Sakawaadka Nabadiidka ee Gobolada Shabeloyinka  Cabdullahi isxaaq Xuseen.



Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay  in Ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal ku bur buriyeen Saldhigyo nabadiidka Al-shabaab ku lahayeen gobolada Hiiraan iyo Shabelloyinka.


Taliye Maxamed Saleebaan waxa uu tilmaamay howlgalka lagu soo qabtay horjogayaal Sare oo ka tirsan Nabadiidka

 

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip