Hay'adda NISA oo gacanta ku dhigtay maaddo laga sameeyo qaraxyada iyo dadkii soo geliyay dalka
Laamaha ammaanka qaranka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maaddada loo yaqaanno (Sulfuric Acid) taasi oo kamid ah wax yaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada.
Hay'adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ayay ku sheegtay in gacanta ay ku dhigaan 79 tan ee madadaasi Sulfuricga ah iyo shaqsiyaadkii keenay dalka,kuwaasi oo ay sheegtay in ay u gudbinayeen maleeshiyada Alshabaab.
Hay'adda NISA ayaa sheegtay baaritaan sharci ah ay wajihi doĆ²naan,iyadoo ay iska kaashanayaan hay'adaha kala shaqeeya la dagaalanka Argagixisada.