Ciidanka Xoogga dalka oo bur buriyay Xabsi Qarsoon oo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bariire
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Nuunaay oo 15 km dhanka Galbeed kaga began Degaanka Bariire
Ciidanka ayaa howlgalka ku dillay horjogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciidanka burburiyay Mid ka mid ah xabsiyada Qarsoon ee ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin tuulada Nuunaay.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay mid ka mid ah Xabsi qarsoon oo Al-Shabaab ku lahayeen tuulada Nuunaay, isagoo intaa ku daray inay ciidamada kusoo furteen dad shacab ah oo nabadiidka si afduub ah ugu heesteen xabsiga qarsoon
Taliye Axmed ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay Horjooge Al-shabaab u qaabisanaa Xabsiga qarsoon, kaasi oo lagu magacabo Abuu Cabdullahi Mustaf iyo labo horjooge kale oo goobta ku sugaa.
Ciidanka Xoogga dalka oo bur buriyay Xabsi Qarsoon oo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bariire
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal lagu baacsanayo Nabadiidka Al-Shabaab ka fuliyey tuulooyin hoostaga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose halkaasi oo ay ku dileen sagaal ka tirsan argagixisad Al-Shabaab.