Ra"Iisul Wasaaraha X.F.S Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska+Sawirro

0
Saturday October 10, 2020 - 19:44:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra"Iisul Wasaaraha X.F.S Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska+Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Ra’iisul Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

"Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska, si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga Haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip