Taliska Ciidanka Booliska Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kiiska Gabar Lagu Dilay Waaberi

0
Saturday September 12, 2020 - 19:22:31 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Booliska Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kiiska Gabar Lagu Dilay Waaberi

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska gabar shalay lagu dilay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska gabar shalay lagu dilay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska ayaa lagu cadeeyay inay jirto falka dilka ah ee loo geystay gabar da’yar oo ka mid ahayd ardaydii dhawaan galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kuna baastay, waxaana qoraalka uu u qornaa sida tan.

Shalay 11/September/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa saldhiga Booliska Degmada Waaberi, waxaa soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar lagu dilay gudaha Degmada gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda Maajo in laga soo tuuray Marxumad Xamdi Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay Ceelbuur dagan Degmada Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhallinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan, kuna baastay.

Meesha uu Kiisku marayo.

"Ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaana marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurinta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagi doonaa natiijada baarista oo dhameystiran” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka booliska.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip