Marcelo Muxuu Ka Yiri Ku Soo Laabashadiisa Xulka Brazil, Xilli Lagu Daray Shaxdda Xiddigaha Brazil Looga Yeeray.

0
Tuesday March 24, 2015 - 11:32:55 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 3007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marcelo Muxuu Ka Yiri Ku Soo Laabashadiisa Xulka Brazil, Xilli Lagu Daray Shaxdda Xiddigaha Brazil Looga Yeeray.

    Daafaca u ciyaara kooxda kubadda cagta Real Madrid Marcelo ayaa ka hadlay siduu u arko u yeeridiisa looga yeeray xulkiisa Brazil,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca u ciyaara kooxda kubadda cagta Real Madrid Marcelo ayaa ka hadlay siduu u arko u yeeridiisa looga yeeray xulkiisa Brazil, Isagoona ka mid ah xiddigaha safanaya kulamada saaxiibtinimo ee ay xulkooda ciyaarayaan. 27 jirkaan Marcelo ayaan ka soo muuqan xulkiisa lagu naaneyso Selecao ee Brazil tan iyo markii 7-1 looga badiyay kulankii koobka adduunka ee Germany ay ku xasuuqeen Brazil oo koobkan marti galinayay.Marce

"Aad baan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo, u yeeridaydan waxay iila mid tahay sidda anigoo bilaabay waayahayga ciyaaraha hadda oo kale, xulka Brazil mar walba waa kuwo qaab wanaagsan ka dhiga hab ciyaaritaanka xiddig walba,”


"Kaliyah hadda waxaan doonayaa in aan tababarka si wanaagsan uga soo muuqdo si la mid ah sidii hore, waana sii wadi doonaa dadaalkayga si aan hormar u gaarsiiyo xulkayga Brazil.” Ayuu hadalkiisa uu ku soo xiray Marcelo.

Si kastaba xiddigan Marcelo ayaa afar gool u dhaliyay xulkiisa Brazil, isagoona u saftay 37 kulan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip