Ciidanka xoogga iyo shacabka shabeeloow oo fashiliyay miinooyin Al-Shabaab ay ku aaseen degaankaasi,

0
Thursday September 03, 2020 - 19:39:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga iyo shacabka shabeeloow oo fashiliyay miinooyin Al-Shabaab ay ku aaseen degaankaasi,

    Ciidanka Xooggga ee ka howlgala Gobolka Mudug iyo dad shacab ah ayaa fashiliyay miinoyin La doonayey in lagu dhibaateeyo dadka oo kooxaha arggaxisadu ay xalay ku aseen tuulada Shabeellow ee hoostaga deegaankaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xooggga ee ka howlgala Gobolka Mudug iyo dad shacab ah ayaa fashiliyay miinoyin La doonayey in lagu dhibaateeyo dadka oo kooxaha arggaxisadu ay xalay ku aseen tuulada Shabeellow ee hoostaga deegaankaasi

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin oo la hadalay warbaahinta qaranka ayaa shegay in la soo bixiyay miinoyinkaasi marka laga reebo hal xabo oo qaraxday dhawac fududna uu ka soo gaaray dad shacab ah.

Guddoomiyaha ayaa qiray in ay jiraan shaki laga qabo in minooyin kale lagu aasay halkaasi,wuxuuna caddeeyay in ciidamada ay wali wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Dadka xoola dhaqatada ah ee degankaa ayaa ku wargaliyay ciidamada in habeenimadii xalay ay maleeshiyaad Al-Shabaab ah soo galeen deegaanka Shabeeloow,taasina waxa ay sababtay in dagaal kooban uu halkaa ku dhexmaro ciidamada iyo kooxahaasi.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip