Ciidanka Xoogga Dalka Ee Danab Oo Maleeshiyaadka Al-shabaab Jab Xoogan ku gaarsiiyay Degaano katirsan Gobolka Mudug ,

0
Wednesday August 12, 2020 - 20:40:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Ee Danab Oo Maleeshiyaadka Al-shabaab Jab Xoogan ku gaarsiiyay Degaano katirsan Gobolka Mudug ,

    Kadib markii aroornimadii hore ee saaka uu degaanka shabellow oo qiyaastii 20-km u jira degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug dagaal kudhexmaray dad xoolo dhaqato ah iyo maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo doonayay inay xoolo baad ah kaqaataan dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii aroornimadii hore ee saaka uu degaanka shabellow oo qiyaastii 20-km u jira degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug dagaal kudhexmaray dad xoolo dhaqato ah iyo maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo doonayay inay xoolo baad ah kaqaataan dadkaasi ayaa waxaa halkaasi gaaray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka waxeeyna baacsadeen maleeshiyaadkii argagixisida ee dagaalka lagalay dadka degaanka shabellow,

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa qasaare xoogan gaarsiiyay maleeshiyaadka al-shabaab waxaana halkaasi looga dilay 16 maleeshiyaad ah iyadoo dhaawaca uu kor udhaafayo 20 sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil katirsan qeybta 21-aad oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida.

Dhinaca ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa waxeey maleeshiyaadkii kabaxsadka ahaa kaga daba tageen degaanka inta udhexeeysa degaanka degaanada shabellow iyo Bacaadweyn kuwaasi oo halkaasi lagu gaarsiiyay qasaare kabadan kii kasoo gaaray shabellow.

Ururka 6-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab oo kashaanaya dadka degaanka ayaa gabin ahaanba cagta mariyay maleeshiyaad baxsada ahaa oo kasoo cararay degaanka shabellow howgalkana weli wuu sii socdaa sidaasi waxaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay G/le Ismaaciil CabdiMaalik Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip