Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Saldhig Al-shabaab ay Kulahaayeen Jubooyinka Bur-buriyay,

0
Thursday August 06, 2020 - 19:02:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab Oo Saldhig Al-shabaab ay Kulahaayeen Jubooyinka Bur-buriyay,

    Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka kafuliyeen degaan lagu magacaabo Lafaha Ragga oo udhow birta dheer islmarkaasna magaalada kismaayo ee Xarunta Jubada hoose ujira 60 KM ayay gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhigaasi iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka kafuliyeen degaan lagu magacaabo Lafaha Ragga oo udhow birta dheer islmarkaasna magaalada kismaayo ee Xarunta Jubada hoose ujira 60 KM ayay gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhigaasi iyo maleeshiyaadkii ku dhuumaaleeysanayay iyo saanad utiil halkaas.
Degaanka ayaa ahaa degaan ay isaga kala gudbi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab waxaana haatan fariin kadhigtay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

Howlgalka qorsheeysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxaa qasaare xoogan lagu gaarsiiyay argagixisada waxaana halkaasi looga dilay 6 maaleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan gobolada dalka waxeey kawadaan howlgalo ay ku sifeeynayaan maleeshiyaadka argagixsada al-shabaab.
















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip