
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo kahortagay Weerar Maleeshiyaadka Al-shabaab Ay Isku Dayeen Ineey kusoo Qaadaan Degaanka Deeynuunaay.
Ciidanka xoogga dalka ayaa iyagoo taxadaraya kahortagay weerarkaasi cadawga ummadda soomaaliyeed ay soomaleegeen Taliska qeybta 60-aad Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in cadawga lagaarsiiyay qasaare xoogan oo gaaray 17-dhimasho iyo 23 dhaawac ah oo ay kujiraan 3 horjooge oo mid kamid ah uqaabilsanaa gobolka baay kaasi oo lagu magaabo Cabdicasiis Isaaq Nuuroow ( Abuu Yaxye)
Sidookale ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa kashahiiday hal-sargaal iyo sadax-askari.
Ciidanka ayaa dhulka baadiyaha fog waxeey kusii baacsanayaan maleeshiyaadkii isku dayay ineey weerka kusoo qaadaan degaanka deeynuunaay ee gobolka baay.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gobolada dalka oo dhan kawada howlgalo qorsheesan oo ay kubaacsanayaan maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo degaano badan lagaga saaray horjoogayaal iyo maleeshiyaadna looga khaarijiyay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo kahortagay Weerar Maleeshiyaadka Al-shabaab Ay Isku Dayeen Ineey kusoo Qaadaan Degaanka Deeynuunaay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa iyagoo foojigan islamarkaasna kawarqaba dhagarta cadawga kahortagay weerar maleeshiyaad argagixisada al-shabaab ay kusoo qaadeen degaanka deeynuunaay oo hoostaga magaalada baydhabo ee xrunta gobolka baay.