Horjoogayaashii Maxkamada iyo Sakawaatka Al-Shabaab Oo Howlgal Qorsheysan Lagu Dilay

0
Friday July 10, 2020 - 12:25:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Horjoogayaashii Maxkamada iyo Sakawaatka Al-Shabaab Oo Howlgal Qorsheysan Lagu Dilay

    Ciidanka kumaandooska XDS ee danab ayaa howgal qorsheeysan waxeey kasameeyeen degaanka Urunji oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka shabeelaha hoose halkaasi oo maleeshiyaadka al-Shabaab u ahayd maxkamad ay dadka ugu yeeri jireen islamarkaasna ku b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka kumaandooska XDS ee danab ayaa howgal qorsheeysan waxeey kasameeyeen degaanka Urunji oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka shabeelaha hoose halkaasi oo maleeshiyaadka al-Shabaab u ahayd maxkamad ay dadka ugu yeeri jireen islamarkaasna ku baadi jireen.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay laba horjooge  oo argagixisada ukala qaabilsanaa maxkamada iyo uruurinta lacagaha baada ah ee ay shacabka masaakiinta ah kaqaadaan ee sakawaatka ay ugu yeeraan.

Horjoogayaasha ayaa lagu kala magacaabaa cabdulaahi dhagool, oo qaabilsanaa sakawaatka iyo shiikh Maxamed, oo qaabilsanaa maxkamada kutaalay degaanka Ugunji sidookale Ciidanka ayaa toogtay sadax maleeshiyaad ah oo lasocday kadib markii ay isku dayeen inay dagaalamaan.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dadka ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay siidaayeen dad ay argagixisada maxaabiis ahaan uheeysteen wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ineeysantagin degaanada argagixisada maxkamada beenaadka kasameeysteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip