Ciidanka Xoogga oo Maleeshiyaadka Al-shabaab kasoo Furtay raasaas iyo hanti ay ka dhaceen shacabka kudhaqan Gobolka Baay,

0
Friday May 22, 2020 - 21:37:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo Maleeshiyaadka Al-shabaab kasoo Furtay raasaas iyo hanti ay ka dhaceen shacabka kudhaqan Gobolka Baay,

    Howlgal ciidanka xoogga dalka ay kasameeyeen degaan hoosyimaado degmada berdaale ee gobolka baay ayay ku soo furteen rasaas iyo saanadkale. howlgalka ayaa ciidanka xoogga dalka waxay kasameeyeen degaanka Moorawarabe oo 20-KM u jira degmada Berdaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ciidanka xoogga dalka ay kasameeyeen degaan hoosyimaado degmada berdaale ee gobolka baay ayay ku soo furteen rasaas iyo saanadkale. howlgalka ayaa ciidanka xoogga dalka waxay kasameeyeen degaanka Moorawarabe oo 20-KM u jira degmada Berdaale ee Gobolka Baay.
Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka S/guuto Cabdixamiid Maxamed oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in degaanka howlgalka ciidanka ay kasameeyeen inay ku sugnaayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo ku gudajiray in shacabka soomaaliyeed ay hantidooda xoog uga qaataan balse ciidanka xoogga dalka ayaa halkaasi gaari oo ku guuleeystay in dib ay uga soo celiyaan hantidii ay xooga ku qaateen oo isugu jirtay raashiin lacag shilin soomaali ah.


jeneraal cabdi xamiid ayaa tilmaamay in sidookale ciidanka xoogga dalka ay argagixisada ka qaateen raasaas aad ubadan iyo kutubo ay kumarin habaabinjireen dadka degaanka.

taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa intaaasi kudaray in ciidanka xoogga dalka kordhiyeen howlgalada ay ku baacsanayaan haraadiga maleeshiyaadka al-shabaab si guud ahaan dalka oo dhan looga saaro.














Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip