Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo gaaray Dhuusamareeb+Sawirro

0
Monday May 18, 2020 - 20:19:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo gaaray Dhuusamareeb+Sawirro

    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Dhowaan loo soo Magacaabey Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen: Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame .

Mudada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada,isagoo dhiiri gelin u sameyn doona cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Deegaanada Kooxda Al-shabaab ay ka joogto Gobolada Mudug iyo Galgaduud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip