Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka.

0
Thursday May 14, 2020 - 22:22:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip