General Bagmadow Al-shabaab Shalay waxa ay iska dileen Xubno Sare
Warar aan ka helnay degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in shalay ay halkaasi ku dagaalameen maleeshiyaad ka wada tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka Dambeeyay ka dib markii uu dagaal
dhaxmaray Maleyshiyada Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee kooxda Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka xoogaa dalka
Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamuud Bagmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku dagalameen gudaha degmada jilib la dib qalaaf soo kala dhax galay Nabadiidka
General Bagmadow waxa uu sheegay kooxda Al-Shabaab dhaxdeeda ay iska dileen 12 xubnood oo iskugu jira Horjogayaal iyo Maleyshiyaad.