Maxay tahay u jeedka ay Al-shabaab uga hadlin la,yihiin weerarada Xasuuqa ah iyo Sadax Xasuuq ay ka Hadlin kooxda
Dilalka qorsheysan oo aan xisaab laheen aye kooxda
ku dileen dad wax tar u ahaa Bulshada iyagoona hadafka kooxda uu yahay in ay
dilaan dadka ka dhax muuqda bulshada.
Maleyshiyada Al-shabaab ayaa 3 bishii October
ee sanadkii 2011 waxa ay weerar xasuuq ah ka geesteen Xarunta hargaha iyo
saamaha ee magaalada Muqdisho
Weerarkaas ay Al-shabaab ka geesteen
Magaalada Muqdisho waxa ay waxyeelo kazoo gaartay dad soomaaliyeed kuwaasi oo
xiliga qaraxa dhacayay ku sugnaa goobta
Horjogayaasha Nabadiidka Al-shabaab ayaa
weerarka hargaha iyo saamaha ka hadlin
14 0ctober sanadkii 2017 Maleyshiyada Al-shabaab ayaa isgooska soobe
waxa ay ka fuliyeen weerarkii ugu qasaaraha badanaa ee kooxda ka geesato gudaha
dalka soomaaliya
Weerarka xasuuqa zoobe kooxda Al-shabaab kama
hadlin lakiin dad waxa la sheegay in qaraxa zoobe ay kooxda ugu aargudayeen
dilka horjogahoodii Axmad Godane
28 bishaan kooxda Al-shabaab waxa ay gaari
xamuul ah kazoo buuxiyeen qaraxyo iyagoona ku qarxiyay Ex kontarool Afgooye
Qasaaro iyo dhimasho laxaad leh ayaa ka dhashay
weerarkaasi iyadoona kooxda ay ilaa had aka hadlin weerarkaasi
Maxay tahay
u jeedka ay Al-shabaab uga hadlin la,yihiin weerarada Xasuuqa ah
Kooxda Al-shabaab waxa ay inta badan ku
dhuuntaan dadka shacabka iyagoona isku ekeysiiya shacabka waana mida kaliya ay
sababtay in ay ka hadlin weerarada Xasuuqa ah ee kooxda
Hadii ay ka hadlaan kooxda weerarada xasuuqa
ah waxa ay inta badan ka baqayaan in ay shacabka kala kulmaan kacdoon
Maxay tahay u jeedka ay Al-shabaab uga hadlin la,yihiin weerarada Xasuuqa ah iyo Sadax Xasuuq ay ka Hadlin kooxda
Maleyshiyada Al-shabaab ee Xariirka la leh Argagixisada waxa ay inta badan fuliyaan weeraro xasuuq ah ka geestaan magaalada muqdisho gobolada dalka Soomaaliya.