FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.

0
Tuesday March 24, 2015 - 10:17:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.

    Deegaanku wuxuu ka mid yahay nolosha ama waxaa la odhan karaa waxaaba ku tiirsan nolosheena maadaama aynu u badanahay dad xoolo raacato ah xooluhuna ay ku noolyihiin daaqa dhirta oo doogga ama geed hoosaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanku wuxuu ka mid yahay nolosha ama waxaa la odhan karaa waxaaba ku tiirsan nolosheena maadaama aynu u badanahay dad xoolo raacato ah xooluhuna ay ku noolyihiin daaqa dhirta oo doogga ama geed hoosaadka. Haddaba iyadoo aynaan moogganayn muhiimadda weyn ee ay inoo leedahay ilaalinta deegaanku ayaynu haddana ku kacnaa inta badan falal liddi ku ah jiritaan dhirta iyo daaqa sida shidista dhuxusha , goynta cawska iyo deegaamaynta dhuldaaqsimeedka oo dhammaantood saamayn ballaadhan ku yeelanaya sii jiritaanka deegaanka,

Shidista dhuxushu waa mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee halakeeyey deegaankeena sidookalena waa masiibo u baahan in laga sameeyo gurmad oo meel looga soo wada jeesto oo miyyi iyo magaaloba looga midoobe dabar goyna jarista ama gusbista dhuxusha.


Sidookale deegaamaynta dhuldaaqsimeedka ayaa iyana ka mid ah aafooyinka u baahan inaan ka midowno oo aan ol-ole ku qaadno sidaan u joojin lahayn maamada ay meesha ka saarayso deegaan dhan oo ahaa dhuldaaqsimeed una bedeleyso deegaan xaaluf ah oo aan dib loogusoo hiran, Waxaa hubanti ah deegaamaynta dhul daaqsimeedku inay tahay tan ugu horraysa ee keenta carra guurka iyo xaalufka ku dhaca deegaanka.

Jarista ama goynta cawska iyo seerayaasha laga sameeyo dhuldaaqsimeedka oo iyaduna ah mid kajirta deegaankeena waxaanay keentaa dhibaatooyin badan oo dadkeena iyo dalkeenaba khal khal ku ah.

Tusaale ahaan qof baa deegaan xoolo daaqeena ah seeraysanaya kadibna cawskii kasoo baxay ayuu goynayaa waxaana uu u iib geynayaa dhulal kale sida magaalooyinka waaweyn ee dalka , iyadoo ay ka qatan yihiin xoolihii markii hore daaqi jirey deegaankaasi oo weliba ay ku xeeran yihiin iyagoo aan haysan meelkale oo ay daaqaan ama u foofaan inay ka hayaamaan moojaane.

Arrintaasi ayaa waxyaabaha ka dhasha waxaa kamid ah inay isku dhacaan dadkii deegaankaasi wada deganaa oo xoolo raacatada wada ahaa markay waayaan meel ay xoolohooda u ku foofiyan kadibna halkaasi waxaa ka dhasha dhimasho, dhaawac iyo aanooyin daba dheeraada oo aan hore loosoo afjari karin.

Haddaba muwaadin adigoo badbaadinaya noloshaada , tan dadkaaga iyo duunyadaadaba ilaali deegaanka , ka’ wacyigeli kuwa duminaya nolosheena oo ku hawllan jarista , xaalufinta iyo dabargoynta dhirta iyo daaqa deegaankeena.

Dawladda Puntland waxay ka qaadatay siyaasad cad oo ku saabsan ilaalinta deegaanka waxaanay dawldda ugu jirtaa badbaadinta deegaanku meel aad u saraysa welibana waxaa ay dawladdu ku hawllan tahay sidii ay uga soo saari lahayd sharciyo ad adag oo xataa maxkamad lagu hor keeni karo qofkii lagu qabto ama lagusoo eedeeyo ku lug lahaanshiyaha xaalufinta deegaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip