FAALLO- Siyaasadda Madaxweyne Gaas ee Ku Dhisan Puntland Ha Isku Tashato Oo Horu-mar Laga Dhaxlay.
Hogaamiye kasta waxa uu leeyahay himilo uu ku hago hogaamintiisa , isagoo
ka fekeraya hour-socodka iyo horu-marka bulshadiisa , waxaana hubaal ah in
masuul kasta oojidkaas ku socda uu guul ka gaarayo hogaamintiisa. Tusaale ahaan, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali
Gaas waxa uu hogaaminta Puntland ku guulaystay 08 January 2014 isagoo
noqday Madaxweynahya Dawladda Puntland ee shanta sano ee soo socota.
Markii uu kursiga la wareegay waxa uu samaystay qorshayaal kala duwan oo uu
ku tala galay inuu fuliyo mudada uu xilka u hayo bulshada Puntland, isagoo
durba guul la taaban karo ka gaaray qaar badan oo ka mid ah qorshayaashii
uu dejistay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu soo
kordhiyay himilo hogaamineed oo aan hore loogu arag madaxdii Puntland soo
martay isagoo ka miro dhaliyay himilooyinka uu soo kordhiyay.
Shacabka Puntland ayaa qiraya in Madaxweyne Gaas uu la yimi himilo
hogaamineed oo ku dayasho mudan, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa
siyaasadda qotada dheer ee ka qayb qaadanaysa horumarka dalka taasoo
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas uu ku
tallaabsaday mudadii uu joogay, taasoo oranaysa "PUNTLAND HA ISKU TASHATO”
waana fikrad hogaamineed oo kasoo maaxattay maskaxda Madaxweynaha Dawladda
Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas, taasoo wax badan oo horu mar ah
laga dhaxlay.
* Micnaha "PUNTLAND HA ISKU TASHATO” *
Qofkasta oo ka mid ah bulshada Puntland markii uu maqlay fikradda ku
salaysan "PUNTLAND HA ISKU TASHATO” waxaa laga yaabaa inuu si gaar ah u
fekaray .
Hase ahaatee micnaha saxda ah waxaa weeye inay tahay in horumarka Puntland
loo tashado oo ay waliba u tashadaan bulshada iyo Dawladda Puntland oo is
kaashanaya, si loo gaaro horumar dhinacyo badan taabanaya wax badana ka
bedeli kara nolosha asaasiga ah ee bulshada, maadaama aan illaa hadda la
helin Dawlad Soomaaliyeed oo dalka si dhamastiran u hanata.
Micnaha ay fikradan xanbaarsan tahay ayaa sidoo kale ah , in bulshada iyo
Dawladda Puntland ay talada ku darsadaan sidii Somalia loo gaarsiin lahaa
nidaamka Federaalka oo ah midka kaliya oo lagu soo celin karo
Dawlad-nimadii Soomaaliya ee sanado badan ka hor bur-burtay .
Siyaasadda ku dhisan "PUNTLAND HA ISKU TASHATO” waxaa makhraati ma doonto
ah in laga dhaxlay dhismaha buundada aadka u weyn ee middi gar, taasoo ay
dumiyeen roobabkii xooganaa ee sanadkii hore Puntland ku dhuftay.
Waxaa sidoo kale fikaradda Madaxweyne Gaas laga dhaxlay , dhismayaasha
buundada Fallayr-yaale iyo qaar kale oo badan, iyadoo dhamaantood lagu
dhisay dhaqaalaha Shacabka iyo Dawladdooda Puntland oo lagu mideeyey
siyaasadda Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas
ee ah "PUNTLAND HA ISKU TASHATO”.
Waxaan kaloo ognahay in mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda ay
dhamaantood salka ku hayaan siyaasadda Madaxweyne Gaas ee isku tashiga
Puntland, ayna ka mid yihiin dhismayaasha Garoomada diyaaradaha ee BOSASO
iyo GAROWE, iyo sidoo kale wadooyinka laamiga ah ee laga hirgeliyay inta
badan magaalooyinka Puntland , dhismaha Jaamacadda Maakhir ee Sanaag,
dhismaha wadada la sugayo ee Ceel Daahir ilaa Ceergaabo iyo qaar kale oo
badan.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas inuu wax
badan kaga duwan yahay dhinaca horumarka madaxdii isaga ka horraysay waxaa
caddaynaya sida ay uga go’antahay inuu dadkiisa iyo dalkiisa barwaaqo
gaarsiiyo mudada uu xilka joogo.
Waxaa sidoo kale tusaale inoogu filan , fikradda "PUNTLAND HA ISKU TASHATO”
taasoo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas uu ku
saleeyey hogaamintiisa wanaagsan iyo sida ay dadku ugu baahan yihiin
horumar la taaban karo.
Si kasta ha ahaatee, himalada hogaamineed ee Madaxweynaha Dawladda Puntland
Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas taasoo ku dhisan "PUNTLAND HA ISKU TASHATO”
ayaa laga dhaxlay wax qabad iyo horumar la taaban karo.

Hogaamiye kasta waxa uu leeyahay himilo uu ku hago hogaamintiisa , isagoo ka fekeraya hour-socodka iyo horu-marka bulshadiisa , waxaana hubaal ah in masuul kasta oojidkaas ku socda uu guul ka gaarayo hogaamintiisa.