Aqriso:-Waxqabadka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

0
Friday January 18, 2019 - 21:21:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqriso:-Waxqabadka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

    Taliyaha Ciidanka X.D.S oo mar labaad loo soo magacaabay 23 Agosto 2018 kadib markii guud ahaan muwaadiniin Soomaaliyeed gaar Ciidanka X.D.S soo codsadeen in la soo celiyo S/Gaas Daahir Aadan Cilmo (Indha Qarshe) kaa soo xaqiijin kara dib u dhiska Ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka X.D.S oo mar labaad loo soo magacaabay 23 Agosto 2018 kadib markii guud ahaan muwaadiniin Soomaaliyeed gaar Ciidanka X.D.S soo codsadeen in la soo celiyo S/Gaas Daahir Aadan Cilmo (Indha Qarshe) kaa soo xaqiijin kara dib u dhiska Ciidanka X.D.S

marka laga eego heerka aqoontiisa ciidan, waayaaragnimadiisa iyo kartidiisa. Dowladda federalka soomaaliya ay tixgaliyeen rabitaanka muwaadiniinta soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka X.D.S waxay markii labaad loo soo magacaabay xilka taliyaha Ciidanka X.D.S S/ Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo lagu yaqaqaano nin markiiba abaara meelaha uu ka liito Ciidanka X.D.S

si kor loogu qaado wax qabadka dhinac kasto leh ee ciidanka X.D. Haddii tusaale kooban aan ka soo qaadano wax qabadkiisii hore mudadii 1aad ee xilka taliyenimada loo soo magacaabay sanadkii 2013-2015:

1. Wuxuu Ciidanka u kala saaray Howlgal,Howlgab,Naafo iyo Agoon, taasoo saldhig u aheyd qaab dhismeydka ciidanka X.D.S ee lagu yaqaanay.

2. Wuxuu kala saaray Mushaaraadka Ciidanka X.D.S Askar iyo Saraakiilba ay isku mid ahaayen ($100), wuxuuna u kala saaray Mushaarka saraakiisha laga bilaabo Sareeye ilaa Xidigle oo mid kasto Mushaar cayiman oo ku filan la siiyay.

3. Wuxuu Suurto galiyay in si wadajir ah looga shaqeeyo qorshaha la dagaalanka Argagixisada Alshabab iyo dib u dhiska ciddanka X.D.S oo isugu jira Tababarada Ciidanka (Dibadda iyo Gudaha) ku waasoo isugu jira Saraakiil, Saraakiil Xigeen, iyo Askar.

4. Wuxuu Xaqiijiyay xiriirka wada shaqeynta Taliska Guud Ciidanka X.D.S. iyo dowladaha gacanta naga siiyo dib u dhiska ciidan X.D.S

5. Wuxuu soo celiyay kala dambeyntii iyo dishibiliinka Ciidanka X.D.S, iyadoo saldhig looga dhigay sixitaanka darajooyinka saraakiisha X.D.S.

Iyadoo ay Intaas ka badan yihiin wax qabadka Taliyaha X.D.S, ayaan waxaa ku soo koobnay waxqabadkiisii hore mudadii uu xilka hayay laga soo bilaabo 2013-2015

Dib u soo magacaabistiisa  xilka Taliyaha Ciidanka X.D.S S/Gaas Dahir Adan Cilmi (Indha Qarshe) uu ku yimid rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed oo u baahan Ciidan Qaran gaar ahaan Ciidanka X.D.S.

Taliye Indha Qarshe  ayaa bilaabay in uu is beddel deg deg ah ku sameeyo qeybaha kala duwan ee X.D.S.

1. Tayeenta Hoggaamada Taliska Guud, si taakuleynta ciidanka dhinaca hawlgalinta iyo maamulka uu u noqdo (Kor Hoos,Hoos Kor) wuxuuna Hoggaamada Taliska Guud u kala magacaabay saraakiil ku haboon aqoon ahaan iyo karti ahaanba Hoggaamada kala duwan ee Taliska Guud oo ah maskaxdii ciidanka X.D.S.

2. Wuxuu bilaabay in la diyaariyo qorshihii hawlgalinta ee sifeenta  cadawga Alshabab kaas oo lagaga soo faramaroojinayo deegaanada ay ka taliyaan, waxaana saldhig looga dhigay (Badbaado1, Badbaado2) oo ku fadhiya hawlgalladii lagu qaaday Goballada Sh/hoose iyo Sh/Dhexe kuwaas oo laga soo hooyay guulo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin in deegaano cusub ay qabsadeen Ciidanka X.D.S, kuna sugan yihiin hadda oo horey cadawga u haystay, sida deegaanada xeebta Jasiira ilaa Marka,Dhanaane,Ceel Aw maki iyo Jilib Marka.

3. Si loo xaqiijiyo tayada saraakiisha ciidanka X.D.S ayaa loo fariisiyay imtixaan qorsheysan dhammaan Saraakiisha Ciidanka X.D.S, ayadoo loo saaray guddiyo kala duwan ee qaadista imtixaanka iyo sixitaankiisa, waxaana la sugayaa natiijadii imtixaanka oo mar dhaw la soo saari doono, waxeyna saldhig u noqoneysaa kala saaridda Saraakiisha tayada leh iyo kuwa aan tayada laheyn oo laga gaari doono go’aanada ku haboon.

4. Waxaa is beddel lagu sameeyay dhammaan Taliyaasha Qeybaha Ciidanka X.D.S si loo dar dargeliyo qorshaha cusub ee la dagaalanka cadawga Alshabaab,

5. Hoggaamada Taliska Guud waxaa ka socda qorshaha 4tasano ee loogu talagalay in lagu fuliyo waqtiga kala guurka oo dalkoo dhan difaaciisa uu la wareegi doono ciidanka X.D.S.

Iyadoona ay xusid mudan tahay in taliyaha ciidanka X.D.S kaliya oo isku heysto aqoonta guud ee ciidanka X.D.S (Dhul,Cir iyo Badda) waana sarkaalka kaliya oo nool,heystana Billad Dahab ah sidaas darteed waa isha kaliya ee X.D.S ee dhinaca dib u dhiska iyo hoggaaminta ciidanka X.D.S.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip